Monday, February 10, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Shardi Culus ku xirtay waanwaan ay la gasho Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay wadahadal ay la gasho Nidaamka Itoobiya inta uu ka laabanayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee uu la galay maamulka Gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn lagu soo dhaweeyay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku caddeeyay inuu taageerayo Madax banaannida Dhuleed iyo Qaranimada dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka mida tahay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku tiri: “Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhexdhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON