Dowladaha Pakistan iyo Somaliya ayaa magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ku kala saxiiday heshiis ku kacaya lacag dhan $10.5 Milyan oo doollar.
Heshiiskan oo markii ah markii labaad ee la saxiixo ayay dowladda Pakistan ka taageereysaa Soomaaliya sameynta Kaararka Dhalashada ee loo yaqaan National ID. Waxaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Pakistan Shahid Khan Cabaasi.
Heshiiska waxaa dalka Pakistan u saxiixay Wasiirka maaliyadda Miftaax Ismaaciil, halka dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdullahi Faarax Weheliye, waxaana wehliyey Nuur Diiriye Xirsi oo la sheegay inuu yahay Madaxa mashruuca sameynta kaararka dhalashada iyo danjiraha Soomaaliya ee Pakistan Khadiija Maxamed Al Makhtuumi.
Isla heshiiskan ayaa hore loo saxiixay iyadoo ay markaas saxiixday danjiraha Soomaaliya ee Pakistan Khadiija Maxamed Al Makhtuumi. Ma jirto wax faahfaahin oo laga bixiyey heshiiska oo warkiisa ay shaacisay warbaahinta daka Pakistan.
HOOS KA AKHRISO
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan oo Heshiis ku kala saxiixday Magaalada Islamabad [Sawirro]