Saturday, April 19, 2025

Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday inay raaligelin iyo Magdhow siiso C/kariin Qalbi-dhagax

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay raaligelin iyo magdhow siiso C/kariin Muuse Qalbi dhagax oo ay ui gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Shir sanadeedka Mac-hadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti ayuu ka qeyb galay Qalbi-dhagxa, iyadoo ay shirkaasina joogeen ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya oo raaligelin shaqsi ah siiyey C/kariin Qalbi-dhagax.

Wasiirkkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya C/raxmaan Ceynte oo ka mida qeyb galayaasha Shirka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay in Dowladdu raalli gelin siiso Qalbi-Dhagax, isla markaana ONLF ka saarto liiska argagixisada iyo inay Magdhow siiso Qalbi-Dhagax, dibna aan loogu laaban dambigaas.

Ad

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa la arkayey isagoo si dhaqan Soomaali ah u raaligelinaya C/kariin Qalbi-dhagax, waxaana saaka lasoo qaaday sawir kale oo muujinaya Qalbi-dhagax oo dhex fadhiya wasiir Xoosh iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Dowladda Somalia ayaa Bishii August 2017 waxay Cabdikarim Qalbi-dhagax u gacan-geliyey dowladda Itoobiya, waxayna xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay inuu ahaa argagixiso xiriir la leh Alshabaab.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON