Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab casri ah oo lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya, kaasoo si khalad ah looga dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qalabka oo ku jira saddex Konteenar oo ay lahayd Hay’adda ICAO ee dunida u qaabilsan duulimaadka ayaa loo waday Xafiiskeeda Nairobi, laakiin waxaa si lama filaan ah ugu soo xirtay Muqdisho waxaana gacanta ku dhigay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxda Hay’adda ICAO ayaa Dowladda Federaalka ah ka dalbaday in ay Qalabkaas u soo gudbiso Nairobi, iyadoo dowladda Dowladda Federaalka ay diiday. Waxaa taagan khilaafka qalabkan oo hay’adda ICAO ay dooneysay inay Nairobi ku rakibto si ay u sii maamusho hawada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhistay Xarunta Maamulka iyo Koontaroolka Hawada Soomaaliya taas oo hadda aanay cidna ku shaqeyn oo haawaneysa iyadoo shaqaalahii loogu talogalayna ay diyaar yihiin.

Qalabka la isku heysto iyo qaabka maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer lagu guul darreystay in Soomaaliya ay la wareegto ayaa mar kale noqday arrin soo shaac baxday xilligan ay dowladda Farmaajo talada heyso.