Saturday, May 17, 2025

Dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay ciidamo badan geysay xuduudka Kenya iyo cabsi laga qabo…

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay Ciidamo badan u dirtay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, gaar haan magaalada Mandheera, sia ay qoreen warbaahinta Kenya.

Arrintan ayaa saacado ka dambeysay markii dowlada Somaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasi ay u jartay Kenya. Ciidamada oo dadka degaanka Mandheera ay arkeen iyagoo dhufeyso ka sameysanaya Xuduudka Madheera, siiba halka loo yaqaan barta saddexaad (Point Three).

Waxaa la sheegay in ciidamada Soomaalida ay wataan gaadiidka dagaalka, waxayna ku nool dhinaca Kenya ee Mandhera sheegeen inay kusoo tooseen saaka iyadoo xaaladu kacsan tahay, ayna dadka ku qasbanaadeen inay ka baxaan guryaha u dhow Xuduudka.

Ad

Saraakiisha Amniga Kenya ee xuduudka ayaa xaqiijiyey ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay xuduudka, laakiin arrintaas uu go’aankeeda u yaalla dowladda Kenya.

Dadka ku nool magaalada Mandheera ayay noloshoodu ku tiirsan tahay Soomaaliya, waxayna ganacsi toos ah la leedahay Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON