Saturday, March 15, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga uu dhacayo Imtixaanka Dugsiyada Sare [Dhageyso]

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay xiliga uu dhacayo Imtixaanka shahAadiga ee Dugsi Sare ee Dalka.

Imtixaankan oo ah mid mideysan oo dowladdu qaado ayaa lagu wadaa inay u fariistaan arday ka badan kuwii hore sida.  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono qaadista imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka, isagoo ardayda u rajeeyay inay ku guuleystaan imtixaanka.

“Waxaan rabnaa inaan shaacino in Imtixaankii dugsiga sare ee Shahaadiga la qaadi doono 20-ka bisha May ee sanadkan, waana sanadkii sadexaad ee ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ka qeyb galaya 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo arday, waxaana uu ka bilaabanayaa ilaa iyo afar dowlad goboleed oo kala ah, Jubaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ardayda u rajeyneynayaa in ay ku guuleystaan imtixaanka” ayuu yiri Wasiirka.

Ad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in tiro ka badan kuwii sanadkii hore ay sanadkan imtixaanka u fadhiisanayan.

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON