Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u gacan gelisay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka xoreynta Ogaadeeniya [Soomaali Galbeed ]ee ONLF.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ciidamada NISA kala baxeen xarun ay ku hayeen maamulka Galmudug, waxaana ay ka dejiyaan magaalada Muqdisho, iyadoo markaas loo qaatay inay ka badbaadiyeen Galmudug iyo koox uu watay Gen. Maxamed Nuur Galaal oo doonayay inay Itoobiya u gacan geliyaan.
Xogta aanu heleyno ayaa sheegeysa in sarkaalkan uu ahaa madaxa Hoggaanka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee ONLF oo in muddo ah ay daba joogtay dowladda Itoobiya, waxaana saaka laga dhoofiyay garoonka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loo gacan geliyo Itoobiya, waxaana maanta diyaarad laga saaray magaalada Muqdisho, taasoo ku sii hakatay magaalada Baydhaba.
Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanbalooshe iyo Safiirka Itoobiya Jamaaludiin Axmed ayaa la sheegay inay ka shaqeyeen dhoofinta sarkaalka. Dowladda Itoobiya ayaa dalab rasmi gaarsiiyay madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay, taasoo ay ugu wacan tahay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo labada dal u dhex maray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la-taliyaha Madaxweynaha Jubbalad Cabdi Cali Raage iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida Jubbaland Col. Gaas ayaa la sheegay in ku wehliyeen Sarkaalkan diyaarada lagu qaaday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya, taariikhdana ku gelaya inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Itoobiya u gacan geliya sarkaal ka tirsan ONLF.
Waa kuma C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax)..? – Dhageyso wareysi lala yeeshay
https://youtu.be/AzPIzHQBfiw
GALMUDUG OO KA CAROOTAY AFDUUBKII CIIDAMADA NISA DEGAANADA GALMUDUG UGA QAFAASHEEN C/KARIIN SHEEKH MUUSE
https://youtu.be/0SOYFiQ0Y1c