Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Hal Milyan oo Doolar ugu deeqday Gurmadka Duufaanadii ka dhacay degaanada Somaliland.
Guddiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo Roobabka Dabaylaha watay ee ku dhuftay qaar ka mida Gobollada Dalka.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay lacag dhan Hal Milyan oo Doollor ah u qoondeysay Gobollada Awdal iyo Waqooyi Galbeed oo ka mida meelaha Roobabka dabaylaha watay ay qasaaraha ka soo gaartay.
Lama oga in deeqdan ay aqbali doonto maamulka Somaliland oo xiriir aad u sii xumaaday uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Somaliland taageero ka heshay dalalka Imaaraadka iyo Jabuuti.