Monday, May 19, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Guulo ka sheegatay Dagaallo culus oo ka socda Xadka Sh/Dhexe iyo Hiiran

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in gobolka Hiiraan lagu jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, kadib weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal.

“Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan. Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan oo sida ay sheegtay cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa dhinacooda sheegtay in duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa dagaallo ka dhacay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 50 askari oo uu ka mid yahay Cabdi Yuusuf Salaad (Cabdi Goomeey)oo ahaa hoggaamiyaha macawisleyda Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON