Dowlada Somaliya ayaa u qabatay sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika inuu dalka uga baxo muddo toddobaad ah, markii ay ku eedeysay inuu ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa.
Qoraal ka soo baxya wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku xigeenka Wakiilka Midowga Acfrika ee Soomaaliya Simon Mulongo lagu amray inuu dalka uga baxo 7 maalmood, iyadoo loo aqoonsaday qof aan laga rabin dalka. ‘persona non-grata’ .
Ku-xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayey dowladda Soomaaliya ku eedeyay inuu ku kacay howlo ka baxsan waajibaadka AMISOM iyo istaraatiijiyadda amniga dowladda Soomaaliya.
Simon Mulongo waa Diblomaasi kasoo jeeda dalka Uganda, wuxuuna hore u soo noqday Xubin ka tirsan Baarlamaanka Uganda. Waa khabiir dhinaca xiriirka Caalamiga iyo Amni, waana xubin ka tirsan Xisbiga talada haya ee dalka Uganda.
Qoraal kooban oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayuu ku sheegay in dowladda federaalka ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Amisom, gaar ahaan kuwa haya xilalka hoggaanka ee laga filayo inay ka foggaadaan wax wax u dhimi kara sharaftooda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee QM iyo Midowga Afrika.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA
