Sunday, December 8, 2024

Dowladda Somaliya oo 72 Saac u qabatay inuu Dalka uga baxo Sarkaal Itoobiyaan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku dhawaaqday go’aan ay dalka uga saartay sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliyaha labaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata).

Sarkaalkan ayaa loo qabtay inuu dalka Soomaaliya uga baxo muddo 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed.

Ad

“Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed

Muqdisho, 29ka Oktoobar, 2024.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

- Advertisement -

Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.

Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

–DHAMAAD–

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON