Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Milateriga ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerar Alshabaab ku qaaday ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka dhacay Arbacadii duleedka Afgooye.
Weerarkan oo lagu dilay in ka badan 18 askari oo ka tirsan ciidanka milateriga ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye, waxaana ciidamadaasi la sheegay inay ku guda jireen roondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Buullalow xilli weerarku shacay oo maleeshiyada Alshabaab ay dagaal culus la galeen .
Waxaa dagaalkaasi askarta lagu dilay ka mida taliyihii ciidamadaasi watay Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo tacsidiisa lagu faafiyey baraha bulshada, ehelkiisana ay sheegeen inuu dadkiisa ka dhintay, balse aysan jirin dowlad ka hadashay.
Ciidamada weerarku haleelay ayaan wax gurmad ah ka helin saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo u dhowaa, waxaana la sheegay inay si darran u dagaalameen, balse laha awood batay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaasi ku dishay 25 askari, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Taliska ciidamada Milateriga, inkasroo warbaahinta caalamiga ay shaacisay.
Maanta ayey warbaahinta dowladda Soomaaliya baahisay inay 50 Alshabaab ah iyo horjooge lagu magacaabo Cumar Fiidow dagaal ka dhacay tuulada Bululow.