Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ay ku xireyso Terminalkii MOVCON ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay adeegsan jireen AMISOM, Qaramnada Midoobay iyo hay’adaha hoos taga.
Go’aankan ayaa waxaa gaaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana faafiyey Maamulka Garoonka Aaden Cadde, wuxuuna ka danbeeyay, markii Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka cabatay in si sharcidarro ah loo adeegsado Terminalkaasi, ayna geysay ciidamo Boolis ah aan hubeysneyn, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid AMISOM iyo UN-ka, taasoo keentay in laga kaxeeyo ciiidamadii.
Isku-dhaca Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Hay’adaha AMISOM iyo UN-ka ayaa sababay inuu soo baxo go’aanka ay dowladda Federaalka ku xirtay Terminaalka Garoonka ee AMISOM iyo UNk-ka ee MAVCON.
Dhinaca kale Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shaaciyey in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay adeegsan jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka.
Hay’adaha oo dhan ayaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay Duulimaadyadooda iyo dadka la socda ay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.
Arrintan ayaa qeyb ka ah xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka iyo AMISOM, waxayna arrintaasi hadd gaartay Qaramad Midoobay.