Friday, March 28, 2025

Dowladda Somaliya oo xaqiijisay inay Berri Ramadaan tahay & Madaxda Sare oo Hamblayo diray

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ee Jimcaha ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diintaayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayna culimda iyo wasaaradda iska kaashadeen raadinta bisha.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa shaaciyey in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon.

Ad

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in xaqiijiyay inay Berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada bisha Ramadaan ee Sanadkan, waxayna dadka ugu baaqeen inay is kaalmeeyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON