Sunday, April 27, 2025

Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay Wadahadalkii ay Itoobiya kula yeelatay Turkiga

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay wadahadal dalka Turkiga ku dhex maray dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo faahfaahintii ugu horeysay ka bixisay sida wax u dhaceen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay magaalada Ankara ku casuuntay Wufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dowladda Soomaaliya meel adag ka taagan tahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Turkiga”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Ad

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabagaboobay, iyadoo lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024. “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mowqifkeedii hore ee ahaa in Dowladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbannaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan”.

Dowladda Soomaaliya waxay uga mahad celisay Dowladda Turkiga kaalinteeda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON