Saturday, April 26, 2025

Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay howgalkii ciidamada Danab ka fuliyeen Buq-Aqable

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay howlgal gaara oo ciidamada kumaandooska ee Mareykanku tababarray ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxafadeedka Wasaarada Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab ayaa xalay hawlgal qorsheeysan ay ka fuliyey deegaanka Buq-Aqable oo qiyaastii 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku dilay maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab.

Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayey Ciidanka Danab waxay ku khaarijiyeen 18 ka mida maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyada oo gabi ahaan ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa nabad diidka Meelaha ay Ciidanka Xoogga burburiyeen waxaa ka mid ahaa xaruntii argagixisada ee deegaanka Buq-aqable iyo meelihii Shacabka ay ku dhibaateyn jireen.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya 10 askari u geysteen ciidamada weerarka soo qaaday, iyadoo Gaari laga qarxiyey, mid kalana ay waxyeelo soo gaartay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON