Friday, December 1, 2023

Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay Fal ka dhacay Safaaradda Turkiga ee dalka Sweden

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii uu ku kacay nin xag jir ah oo ay u ogolaadeen inuu Kitaabka Qu’raanka ku gubo Safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda shalay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, ayaa arrintan lau tilmaamay ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan la la aqbali karin ogolaashaha falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka, waxayna ficilkan ku sheegtay inuu yahay dhaqan xagjir ah ah oo kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda, una adeegaya ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Ad

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON