Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Dagaalkii saaka ka dhacay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan iyo Qasaaraha ka dhashay.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Warka lagu sheegay inay 20 tirsan maleeshiyada Alshabaab ku dileen degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen, iyadoo ka War helay xogta weerarka Alshabaab.
“Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda Federaalka.
Dhinaca kale Alshabaa ayaa guul ka sheegatay dagaalka, iyadoo war kasoo baxay lagu sheegay in lagu dilay in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda, ayna ku qabsadeen Gaadiid ciidan oo badan.
Ma jiro cid ka madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay degaannada Yasooman iyo Beera-yabaal ee ka tirsan Degmada Buuloburte.