Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib heshiiskii ay shalay heshiis Dhul iyo Bad siinaya Itoobiya oo ay kala saxiixdeen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulan degdega oo ay saaka yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay sharci darro iyo ku xadgudub qaranimada Soomaaliya, waxayna u aqoonsatay in falka Itoobiya ku dhaqaaqday uu yahay gardarro iyo dagaal qaawan oo lagu soo qaaday Dowladda Soomaaliya.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay la-tashi degdega ugu yeeratay safiirkeeda ka jooga dalka Itoobiya, waxayna Golaha Amniga Qaramada Midoobay ugu baaqday inay kulan degdega ka yeeshaan faragelinta Itoobiya.