Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka degaanka ay qabsadeen degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, haddana ay socoto amni xaqiijin.
Warkan oo ay warbaahinta dowladda faafisay ayaa lagu shegay in Ciidanka xoogga dalka ay gudaha u galeen magaaladda Ceelbuur, ayna halkaas ka wadaan howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada.
War-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in kadib markii ay si buuxda gacanta ku dhigeen oo ay kala wareegeen argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab ay ka socdaan hwolgallo amni.
Ceelbuur ayaa ahayd goobtii ugu weyne ee khawaarijta ALshabaab ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle, una ahayd saldhig.
