Sunday, May 26, 2024

Dowladda Somaliya oo shaacisay Tirada laga dilay Alshabaab iyo Degaanada laga xoreeyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dagaalada ka socda Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed ee lagu jiro Alshabaab iyo ghuulaha laga gaaray.

Warbixinta Wasaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ay Alshabaab ka xoreeyeen in ka badan 20 degaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada.

AKHRISO WARBIXINTA

Ad

Hawlgalo bilow u ah fulinta aragtida Dawladda Soomaaliya ee ku aadan in Argagixisada Alshabaab laga xoreeyo Dalka, ayaa ka socday meelo badan oo ka mid dalkeena Soomaaliya.

Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah.

Goobaha laga xoreeyay, waxay ahaayeen kuwo argagixisadu tacadiyo joogto ah ugu gaysanaysay bulshada isla markaana kasoo abaabulaysay weeraro halis badan. goobahaas waxaa ka mid ah:-

- Advertisement -

Hirshabelle-Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

GALMUDUG-Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed-Gobolka Baay: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

Intii ay socdeen hawlgalada, waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad Rayid ah, oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd.

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay ka dulqaaddo Shacabka Soomaaliyeed tacadiyadda arxan-laawayaasha alShabab ay ku hayeen 15-kii Sano ee la soo dhaafay, Isla markaana la ciqaabo dambiilayaasha.

Dawladdu, waxay bogaadinaysaa mujaahidiinta Ciidamada Qaranka iyo Dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Khawaariijta ka been-sheegaya diinta Islaamka, kana macaashaya dhiigga dadka Soomaaliyeed..

Hawlagaladdu, waa sii soconayaan, si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON