Puntland ayaa ogolaatay in mashaariicda horumarinta loo soo mariyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib muddo sanad ka badan oo ay xiriirka u jaray, isla markaana diidaneyd inay la macaamisho dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa shaaciyay in dib u bilowdeen mashaariicdii horumarinta ee Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland ee Siciid Deni uu hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland. Labada mashruuc waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka balse dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada hoos yimaada”. ayuu yiri Wasiir Beenebeene oo war qoraal ah soo saaray.
Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu qoraal u diray beesha caalamka, kana codsaday in si siman loo qaybiyo deeqaha horumarineed ee ay ugu talo galeen Somalia, wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey iney siyaasadeyso deeqaha la soo mariyo.
“Waxaan ka walaacsanahay siyaasadeynta sii kordheysa ee lagu hayo deeqaha la soo mariyo dowladda federaalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Deni oo intaas ku daray in lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka ay dowladda federaalka u adeegsato ajandayaal siyaasadeed tan iyo markii isaga dib loo doortay bishii January.
“Beesha caalamka waxaanu ka codsaneynaa in la abuuro hannaan awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah oo ka madax banaan siyaasada Muqdisho u caawiyaan Puntland” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siciid Deni, balse dalabkaas ayaa socon waayey.
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xassan Shiikh iyo Siciid Deni oo ka soo bilowday doorashadii 2022 ayaa keenay inuu si weyn u xumaado xiriirka labada mas’uul oo hore isbaheysi u lahaa.