Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo duqeyn cirka ah lagu dilay horjooge Sare oo ka tirsan Madaxa Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada Alshabaab.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Nadiir, waxaaan lagu beegsaday Duqeyn ka dhacday degaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 1-dii Bishan Oktoobar 2022.
Cabdullaahi Nadiir ayaa la sheegay inuu ahaa Madaxa Dacwada ee Alshabaab iyo mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Al-Shabaab, isagoo hore u usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay u diyaariyeen inuu badalo Amiirkooda Axmed Diiriye.
Qorshaha lagu dilay ayaa waxaa ka danbeeyay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA. “Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.
Dowladda Mareykanka ayaa C/llaahi Yare madixiisa u saartay Lacag dhan 3 Milyan oo Dollar, ciddii disha ama keenta macluumaad lagu soo qaban karo.
