Monday, February 10, 2025

Dowladda Somaliya oo shaacisay duqeyn Mareykanku ku dilay horjoogayaal ka tirsan AlShabaab

200 Horjooge iyo Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayey DFS sheegtay in lagu dilay duqeynta ka dhacday duleedka Wabxo

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xarun ay Alshabaab ku lahaayeen Gobolka Galgaduud, laguna dilay horjoogayaal ka tirsan kooxdaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamka (oo loola jeedo Mareykanka) ay ku guuleysteen inay duqeeyn dhinaca cirka ku burburiyaan Saldhigii Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Ad

Warka dowladda Soomaaliya kasoo saartay duqeynta ayaa lagu caddeeyay in lagu dilay in ka badan 200 oo Maleeshiyaad ah iyo Horjogayaal ka tirsan Alshabaab.

Weerarka Duqeynta ayaa dhacay  17:30 Pm Maqribnimo ee xalay, kaas oo lala beegsaday Degaankan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ma jiro weli wax War ah oo kasoo baxay dhinaca Mareykanka iyo Taliskooda Afrika ee AFRICOM. Dowladda Federaalka ayaa caadiyaan shaacisa qasaare fara badan oo la gaarsiiyey Alshabaab, iyadoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON