Thursday, October 10, 2024

Dowladda Somaliya oo shaacisay 20 Horjooge oo Alshabaab looga dilay Hirshabelle iyo Galmudug

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay Magacyada iyo Xilalka horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab oo la sheegay ina lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgalladii u dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle

Qoraal ay faafisay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo dhacay labadii bil ee ugu dambeysay lagu dilay ilaa 19 Horjooge oo Alshabaab ka tirsan.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee Galmudug iyo Hirshabelele ayaa kala ah:

Ad

GALMUDUG

1. Khaliif Gaambe = dhaawac, horjoogihii ugu sarreeyay jabhadaha Galmudug.

2. Salaad Cai Geeddi = Dil, Ku-xigeenkii Jabhadaha Al-shabaab ee Galmudug

- Advertisement -

3. Olol Cali Guuleed = Dil, Abaanduulihii Jabhadaha ee Galmudug.

4. Maxamuud Bashiir Muuse = Dil, Madaxii Jabhadaha ee gobolka Mudug.

5. Shuuke Cali Dheeg = Dil, Ku-xigeenkii Abanduulaha Jabhadaha Alshabaab ee Galmudug.

6. Horjooge Ciise Barre= Dil, horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug

- Advertisement -

7. Horjooge Xasan = Dil, wuxuu ahaa horjoogihii fursaanta ee ka hawlgali jiray Galmudug

8. Horjooge Maslax =Dil, horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug

HIRSHABELLE

1. Cabdullaahi Ciilow = DIL, Ku-xigeenkii Jabhadaha ALSHABAAB ee hawlgali jiray Hirshabelle.

2. Horjooge Casood = Dil, waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad ee Jabhadaha Alshabaab ee ka hawlgalayay Hirshabelle.

3. Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) =Dil, Madaxii Qaraxyada Alshabab ee Hirshabelle

4. Horjooge Saylici = Dil, waxa uu ahaa madaxii Warbaahinta Alshabab ee Hirshabelle

5. Horjooge Bagaax = Dil, Madaxii weerarada arbushaadda ee Hirshabelle

6. Horjooge Dabaashe = Dil, waxa uu ahaa Horjooge kooxeed ka hawlgalayay Hirshabelle

7. Horjooge Sheekh Cabdi = Dil, Horjoogihii Fursaanta Alshabaab ee ka hawlgalayay gobolka Hiiraan.

8. Horjooge Muhaajir = Dil, Madaxii maaliyadda Alshabaab ee gobolka Hiiraan

9. Axmad Maxamed (Xerow ama Nadiir) = Dil, waxa uu ahaa horjoogihii Maleeshiyadka gurmadka Alshabaab ee Hirshabelle

10. Horjooge Shucayb = Dil, waxa uu ahaa horjoogihii dabagalka maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha Alshabab ee Hirshabelle

11. Horjooge Yoonis (Shaafici) =Dil, waa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle

12. Horjooge Cabdijabbaar = Dil, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON