Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixday Shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding, kaasoo ku saabsan maalgalinto kalluumeysiga dalka iyo in ruqsad kaluumeyi la siiyo shirkadda.
Heshiis waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Axmed Xasan Aadan halka uu shirka dhinaca kale u saxiixaym adaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang.
Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh islamarkaana waqtigiisu yahay hal sano, ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.
Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska waxaa ka qeyb galay khubaro kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (group) Co. Ltd, iyadoo aan faahfahain buuxda laa bxiin khrashka heshiiska uu ku kacayo.
