Dowladda Soomaaliya ayaa odayaasha dhaqanka maamulka Hirshabeelle diyaarad uga magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada Jowhar oo ay ka qeygeli doonaan xulitaanka xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.
Duubabka maanta gaaray Magaalada Jowhar waxaa ka mida Imaamyada, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ee Beelaha dega Hirshabeelle, waxaana Garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Guddiga Dooashooyinka Hirshabelle oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Guddigaasi Cismaan Baareey.
Odyaasha gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mida Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Duubab kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa dhismaha maamula Goboleedka Hirshabelle, xilli uu muran ka taagan yahay awood qeybsiga beelaha ee xilalka sare sida madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
