Dowladda Soomaaliya Soomaaliya ayaa Ruushka kala wareegtay Markab Gargaar Qamadi ah loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Daadka iyo Roobabka.
Shixnadda Qamadiga oo gaareysa 25,000 tan ayaa waxaa Soomaaliya ugu deeqay ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay safiirka Dalka Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Alekseevich Golovanov,
Safiirka Russia ayaa sheegay in Gargaarkaan uu astaan u yahay saaxibtinimada Soomaaliya iyo Ruushka, isla markaana Bisha December ee soo socota dalka keeni doonaan gargaarkii labaad.
Markabka sida Qamadiga gaargaarkan ayaa saaka ku soo xirtay saaka Dekadda Muqdishou, waxaana la wareegay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Mudane Cabdillaahi Axmed Jaamac, Wasiirka Gudaha Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxda hay’adda SoDMA.
Madaxda Soomaalida ayaa Ruushaka uga mahad celiyay gargarkan ay soo garsiiyeen Dadka Soomaaliyeed.