Monday, June 16, 2025

Dowladda Somaliya oo la safatay Sacuudiga khilaafka kala dhaxeeyay Canada, kana leexatay dalka Qatar [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay Go’aanka ay dowlada Boqortooyada Sacuudiga xiriirka ugu jartay dalka Canada iyo xiisada ka dhex taagan labadasi dal, kadib war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay sheegtay inay taageeyso mowqifka Sacuudiga ka qaadatay faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, iyadoo labada dal u rajeysay inay ka gudbaan xiisada soo dhex gashay.

Go’aanka dowladda Somalia ayaa ah mid ka leexanaya dariiqii ay ku socotay ee ay taageerada uu ahayd dalka Qatar oo ka hor timid in Sacuudiga lagu taageero xiriirka uu u jaray dalka Canada, waxayna caddeysay inaysan waxba kala socon war kasoo baxay xoghayaha dalalka Iskaashiga Khaliijka.

Ad

HOOS KA AKHRISO WARKA KASOO BAXAY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

No automatic alt text available.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON