Wednesday, May 21, 2025

Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday howlgal Alshabab looga sifeynayo Jubbooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay  howlgal kooxda Alshabaab looga sifeynayo Gobollada Jubbooyinka ka bilaaban doono.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu  go’aansatay in la dedejiyo hawlgallada Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah barnaamijka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan in Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dalka sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ad

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku hayaan dadka shacabka ah iyo guushii dhawaan usoo hooyatay Dowlada ka dib markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan Al-Shabaab iyo hadii ay jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysany\ayo goobaha ay joogaan ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

- Advertisement -

Lama oga qaabka uu noqon doono howlgalkan, waxaase la ogyahay in maamulka Jubba ee uu hogaamiyo iyo Axmed Madoobe iyo ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ay ku weli ku oodan yihiin magaalada Kismaayo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON