Sunday, April 27, 2025

Dowladda Somaliya oo ku adkeysatay in la xiro Xafiiska Siyaasadda Q/Midoobay ee UNSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeystay in la xiro xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kadib wadahadal u bilowday Guddiyada ka kala socda Ergada Qarammada Midoobay iyo Dowladda Federaalka.

Guddiyada labada dhinac ayaa ka wadahadlaya mustaqalka Xafiiska UNSOM oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in howshiisa la soo gebagabeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan, isla mrkaana aan dib loo cusbooneynin dhammaadka sanadkan 2024..

Kulankii ugu horeeyay ee Guddiyada laba dhinac ayaa dhacay shalay iyadoo ay kulmeen Guddiga farsamo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Guddi ka socda UNSOM.

Ad

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shegay in wadahadalka Guddiyada looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya oo howlaha xafiiskaasi ay la wareegi doonto Dowladda Soomaaliya.

Arrinta la isku hayo ayaa ah nooca uu noqon doono xafiiska lagu bedeli doono UNSOM ee sii wadi doona qaar ka mida shaqooyinkii Xafiiska Siyaasadda Qarammada Midoobay

Guddiga farsamo ee dowaldda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Danjire Yuusuf Garaad Cumar, waxaan ka mida xubno ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka.

- Advertisement -

Dhinaca Qaramada Midoobay waxaa guddiga hoggaaminaya Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaana khadka uga qeyb galay James Swan oo ku sugnaa magaalada New York.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON