Monday, February 10, 2025

Dowladda Somaliya oo ka Carootay Warbixin Guddi ka tirsan Midowga Afrika ka diyaariyey xaaladda Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid, kana carootay Warbixin ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika u saray xaaladda Soomaaliya.

Warbixintan oo Bishii May loo gudbiyey madaxda Midowga Afrika ayaa ka hadleysa xaaladda siyaasadda, Amiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna Guddigan soo calaamadeeyeen in dhinaca siyaasadda ay Soomaaliya gashay qalalaasho iyo heshiis la’aan 4-tii Sano ee uu Madaxaweynaha ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta Doorashada waxay Soomaaliya qarka u saareen Amni darro iyo Dagaal, waxayna Guddiga Midowga afrika Warbixintooda ku caddeeyeen in ciidamada Soomaaliya diyaar u ahayn inay AMISOM kala wareegeen Amniga dalkooda, iyadoo aan fulin heshiisyadii Amniga iyo Dhismaha ciidamada Qaranka.

Ad

War kooban oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya kulan ka yeelatay warbixintaas, isla markaana si si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. “DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira” ayaana lagu yiri Warka aan faahfaahinta laga bixin Warbixinta.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu amray Wasiirada xukuumadda xilgaaesiinta in warbixintan lagu gacan seyro, iyadoo lagu doodayo inay xadgudub ku tahay Qaranimada Soomaaliya, isla markaana aan lagala tashan dowladda Federaalka, wax xiriir ahna aan lagala sameyn.

“Caqabadda aasaasiga ah ee xasilinta waxay ka imaaneysaa fashilaadda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee xallinta dib-u-eegista dastuurka, arrimaha & wadaagga kheyraadka. Waxay ku fashilmeenay DFS iyo FMS dhammeystirka dastuurka” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga Midowga Afrika.

- Advertisement -

“Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada waxay ku guuldareysteen inay dhisaan qaabdhismeedyo wadatashi oo shaqeynaya si loo xaliyo khilaafaadka. Madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ma ixtiraamaan heshiisyadooda; jilayaasha siyaasadeed waxay muujinayaan tixgelin ku aaddan qabiilka halkii ay ka ahaan lahaayeen nidaamka dastuurka federaalka ah” waxay ka mid ahayd xaqiiqada lagu soo bandhigay warbixinta Guddiga.

Guddiga Midowga Afrika waxay soo jeediyeen afar soo jeedin oo ay ka mid yihiin: Mustaqbalka AMISOM in loo bedello 2021 kadib: Howlgalka isku dhafka ah ee ka dhaxeeya ciidamo ka socda Midwoga Afrika iyo Q/Midoobay; ama dib u qaabeyn lagu sameeyo howlgalka AMISOM.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen howlgelinta ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika, ama bixitaanka ciidamada AMISOM , iyadoo mas’uuliyadda Amniga lagu wareejinayo Soomaalida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON