Wednesday, September 18, 2024

Dowladda Somaliya oo joojisay Qeyb ka mida Canshuurtii Gadista ee lagu soo rogay Dadka Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojineysa qeyb ka mida canshuurta Gadista oo dhowan lau soo rogay Dadka Muqdisho, kadib markii diidmo lagala hor yimid.

Isbitaallada gaarka ah ee caasimadda ayaa diiday inay canshuurtaasi ka qaadaan Dadka Bukaanada ay u adeegaan, waxayna hore u soo saareen War-Saxaafadeed ay ku shaaciyeeninay dhaqangelineynin Canshuurtan.

Xiriir dhex maray dowladda iyo madaxda Isbitaallada Muqdisho oo uu ka mid ahaa kulankii 27 Ogost dhex maray maamulayaasha Isbitaallada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa looga dooday arrintan.

Ad

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ogolaatay inay dib ula noqoto canshuurtan, iyadoo wasiir ku xigeenka Maaliyadda uu sheegay inuu soo bixi doono go’aan canshuurta looga reebayo dadka Bukaanada ah.

Diidmada ka hor timid qeyb ka mida Canshuurta Iibka Dowladda Federaalka kusoo rogtay Dadka Muqdisho ayaa caddeyn u ah inaan markii hore laga fiirsan qaabka loo qaadayo iyo dadka ay saameyneyso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON