Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka horjeedo warbixinta kasoo baxday Guddiga xaqiiqo raadinta IGAD e xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhoweyeen Guddiga IGAD oo dhowaan Jabuutiyaan ahaayeen, balse ay warbixintoodu ahayd mid hal dhinac ah, isla markaana ay warbixintaasi qoratay Kenya.
Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyay Guddiga reer Jabuuti inay diideen inay tagaan Gobolka Gedo, ayna laba jeer booqdeen dalka Kenya iyo Mandheera, isagoo intaas ku daray in warbixinta ay soo saareen Guddiga Jabuuti ay tahay mid khaldan oo aan la aqbali karin.
Guddigan ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah Guddomiyaha IGAD, waxayna dowladda Soomaaliya hadda u muuqataa inay weerar diblomaasiyadeed ku qaaday dalka Jabuuti.
Warbixinta Guddiga xaqiiqo raadinta IGAD ee ka socday dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inaan wax caddeyn ah loo helin sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah inay Kenya ku xadgudubtay qaranimada Soomaaliya.
