Saturday, October 12, 2024

Dowladda Somaliya oo heshiis cusub oo Shidaal soo saaris la gashay Shirkad Mareykan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub oo hor leh la gashay shirkad Mareykan ah oo la sheegay inay Shidaal kasoo saari doonta Degaano loo asteeyay xermooyin shidaal oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Shirkaddan Mareykanka ah ee Liberty ayaa markii ugu horeysay shaacisay heshiiska oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka.

Shirkadda Liberty Petroleum ayaa loo saxiixay saddex baloog oo ku yaalla gudaha Badda Soomaaliya, iyadoo loo marayo qeybteeda Petro Quest Africa, Liberty Petroleum waxay sahamin doontaa Blocks 131, 190 iyo 206.

Ad

Heshiiska PSA-yaduayaa socon doona muddo shan sano ah, “Waan la soconaa mas’uuliyadda hadda garbahayada saaran si aan u sahamino oo aan u rajayno in aan u horumarino kheyraadka batroolka ee ku jira baloogyadan si faa’iido badan u gaarsiisa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxa shirkadda Liberty Petroleum Lane Franks.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’adda Batroolka Qaranka Cabdulqaadir Aadan Maxamuud ayaa Mareykanka u tegay saxiixda heshiiska.

Soomaaliya ayaa hore heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu danbeysay Turkiga, iyadoo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON