Dowladda Soomaaliya ayaa hubkii ugu badnaa la timid, iyadoo Markab wada Shixnadaasi oo ku xiran dekadda Muqdisho ay ku socoto dejinta saanadaasi Hubka ah.
Wararka ayaa sheegaya inuu Hubkan isugu jira taageero milateri iyo Qeyb ay soo iibsatay dowladda Faderaalka, kana yimid dalka Masar.
Galabta ayuu Dekedda Muqdisho kusoo xirtay Markab milateri oo ay leedahay Dowlada Masar, sidoo kale waxaa dekadda yimid Markabka sida hubka iyo agabka kale ee ciidamada.
Waxaa caawa la xiray Wadadda Dekedda Muqdisho ilaa wasaarada Gaashandhiga, iyadoo loo diiday Gaadiidka dadweynaha, waxaana Dekeda Muqdisho laga dareemayaa in aad loo adkeeyay amnigeeda.
Hubkan ayaa qeyb ka ah xoojinta ciidamada Soomaaliya oo la filayo inay aakhirka Sanadkan 2024 amniga kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.