Waxaa isa soo tartaya wararka ku saabsan Diyaarad Itoobiyaan ah oo hawada Soomaaliya laga celiyay, taasoo la sheegay inay inay siday wafdi Itoobiyaan ah oo ku socday magaalada Hargeysa.
Wararka aya sheegaya in diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku duuleysan Flight 8372, kuna socotay magaalada Hargeysa ay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed saakay dib ugu celiyeen magaalada Addis Ababa.
Diyaaradda ayaa la sheegay inuu la socdayWafdi Sare oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo la sheegay inay Hargeysa u tegi lahaayeen dhameystirka heshiiskii Badda ee 1-dii Janaayo 2024 ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi, kaasoo ay ka hor timid dowladda Soomaaliya.
Diyaaradda la celiyay ayaa ahayd mid aanu duulimaadkeeda qorsheysneyn, taasoo keentay in hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ay saacado joojiso dhammaan duulimaadyada ka imaanaya dalka Itoobiya, si looga hortago diyaaraddaasi, kadibna markii ay dib u noqotay xaaladda caadi lagu soo celiyay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in diyaarad ganacsi oo caadiyan tegi jirtay magaalada Hargeysa ay goor dhoweyd halkaasi ka degtay, iyadoo aan la ogey inay wafdigii Itoobiyaanka la socdaan iyo in kale.