Monday, May 19, 2025

Dowladda Somaliya oo Go’aan Culus kasoo saartay Xaaladda Laascaanood iyo rabitaanka SSC

Dowladda Soomaaliya ayaa go’an culus ka qaaday xaaladda Laascaanood iyo dagaalka ka socda ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi oo akhriyay go’aan kasoo baxay xukuumadda Federaalka ayaa sheegay inay dowladda Federaalka soo dhoweyneyso rabitaanka iyo go’aanada Dadka reer Laascaanood.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin inay dowladda Federaalka aqoonsaneyso maamulka dadka degaanka SSC iyo in kale, balse wuxuu sheegay inay diyaar u tahay xalinta khilaafka ka taagan Laascaanood.

Ad

Waxaa Go’aanka dowladda Federaalka lagu sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay dhibaato siyaasadeed oo u dhaxeysa dad Soomaaliyeed oo walaallo ah, isla markaana wadaaga degaan iyo dhaqan, laguna xalin karin dagaal.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da Dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan Dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada Dadka reer Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

Go’aanka dowladda Federaalka ayaa ah mid si taxadar leh loo qoray oo soo dhoweeyay go’aanada Odayaasha Dhaqanka ee ku shiray Laascaanood, iyadoo dhinaca kale aan la sheegin wax go’aan ah oo cad.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON