Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay si hordhac ah u bilowday tartanka bixinta leysimada Balookyada Shidaalka laga baarayo ee Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in si rasmi loo furay tartanka bixinta shidaal baarista dalka, iyadoo 7 Balook lagu tartami doono si looga baari doono saliida, kuwaasoo ku kala yaall Maamul Goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Qorshahan tartanka liisan bixinta ayaa bilaabanaya 4 Ogost, wuxuuna socon doona ilaa Maarso 2021.
Xaraaashka u tartanka shidaalka laga baarayo 7-da qeybood ayaa waxaa ka qeyb galay 130 maalgashadayaal oo caalami ah, waxaana loo qoondeeyay: Galmudug 152 iyo 153 -HirShabelle 164 iyo 165 – K/Galbeed 177 iyo 178 -Jubaland 204.

