Sunday, February 16, 2025

Dowladda Somaliya oo diiday Qorshihii Midowga Afrika ee AMISOM loogu bedelayo ciidamo wadajir ah

Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay shaacisay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, kana soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Ad

Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah.

Qorshan si uu u dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON