Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay go’aanadii kasoo baxay Golaha Amniga Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamioga ah, kuna saabsanaa xaaladda Doorashada.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shir jaraa’id ka sheegay inay dowladda Soomaaliya ay horjeedo laba ka mida go’aanadii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Geeska Afrika.
“Go’aanadii kasoo baxaya Midowga Afrika waxaa ku jiray kuwo ka hor imaanaya madax bannaanida dalka; Waan soo dhoweyneynaa ergayga midowga Afrika ee Soomaaliya loo soo magacaabayo oo ah arrintii uu kala hadlay Farmajo guddoomiyaha Midowga Afrika Madaxweynaha Congo DR” ayuu yiri Wasii Dubbe.
Labada qodob ee ay dowladda Soomaaliya dareenka ka qabto ayaa kala ah:
1- Midowga Afrika Wuxuu cambaareeyay go’aankii Barlamaanka Soomaaliya ee 12- April oo ahaa inuu dalku aado Doorasho qof iyo cod ah, ma jiro urur caalami ah oo canbaareyn kara go’aan dowladi qaaday, dowladda Soomaaliya masoo dhoweyneyso arrintaasi.
2- Waxaan dareen ka qabnaa arrinta Ciidamada qalabka sida; waxaan u aragaa in qodobkaasi uu niyad jebinayo ciidamada qalabka sida. Shirka waxaa kasoo baxay inay AMISOM la socdaan ama ilaaliyaan dhaqdhqaaqa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya arrintaasi waa sharci darro, mar labaadna wuxuu ka hor imaanaya shaqada AMISOM.
Wasiir Dubbe wuxuu dalalka Kenya iyo Jabuuti ku eedeeyay inay ka dabeeyeen qoraalka Bayaanka Midowga Afrika. Wuxuuna sheegay inay dalbanayaan inaysan dallaka ay is hayaan qeyb ka noqon guddoominta shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.
