Saturday, May 17, 2025

Dowladda Somaliya oo dib u soo celisay Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda Nairobi, iyadoo…

Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ee ka howlgalayey safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay u yeertay dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa isagu ku sugnaa magaalada Muqdisho, xilliga dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Kenya, waxaana shaqaalaha ay ku qaadatay in ka badan toddobaad inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shir madaxeedkii aan caadiga ahayn ee IGAD oo shalay ka dhacay dalka Jabuuti lagu gaaray heshiis ah in Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyaan xiriirkii diblomaasi, iyadoo labada dal laga filayo inay tallaabadaasi qaadaan marka ay dalalkoda ku laabtaan.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON