Midowga Afrika ayaa aqbalay codsi ufa yimid dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa in dib loo dhigo qorshihii ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS lagu dhimi lahaa dhammaadka sanadkan.
Waxaa la filayay in ilaa 2000 askari oo ka tirsan howlgalka ATMIS laga dhimo howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika, laakiin waxaa codsi degdega u dirtay Midowga Afrika Madaxtooyada Soomaaliya oo codsatay in bixista ciidamada dib loo dhigo ilaa 2023.
Shirkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika (AU) kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii Noofambar 2022, ayaa lagu tixgeliyey codsigii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ahaa in lagu kordhiyo Wajiga 1-aad ee ATMIS-ka xilliga uu shaqeynayo.
Codsiga dowladda Soomaaliya waxaa Midowga kala hadlay Xuseen Sheekh-Cali oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya; iyadoo sababa looga dhigay inay dowlada gacan ka siiyana dagaalka Alshabaab.
Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika lagu sheegay in lagu xaqiijiyay taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 oo la gaasiiyo 30-ka Juunyo 2023.
Waxaa dib u eegis lagu sameeyay wakhtiga hawlgalka ATMIS, balse waxaa dib loo xaqiijiyay taariikhda bixitaanka ciidamada ee ku asteysan 31 Diseebar 2024.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay ansixiyaan taageeraada lagama maarmaanka u ah ciidamada ATMIS ayna ansixiyaan waqtiyada dib loo eegay ee la xiriira kordhinta dhimista 2,000 ee ATMIS wixii ka dambeeya Disembar 2022.
