Wednesday, March 26, 2025

Dowladda Somaliya oo Ciidamo cusub oo Kumaandos ah u dirtay magaalada Dhuusamareeb & Ciidamadii hore oo…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo cusub ay halkaasi u dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo diyaarad sida ciidamadaasi ay ka degtay maant magaaladaas,

Ciidamada cusub ee dowladda Soomaaliya geystay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka tirsan ciidamada Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya, ayna tiradoodu gaareyso 60 askari, waxayna qeyb ka noqon doonaan ciidamo fara badan oo hore ugu sugnaa magaaladaasi oo dowladda Soomaaliya ay geysay.

Ciidamada cusub ayaa la dejiyey xerada 21-aad ee ciidamada Milateriga Soomaaliya, iyadoo laga saaray ciidamadi hore ugu sugnaa oo iyaga iyo gaadiidkooda lagu dhex arkay Gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Dhinaca kale waxaa magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamo taabacsan Ahlu suna, iyadoo dowladda Federaalka iyo Ahlu suna ay isku heytaan qaabka dhismaha Baarlamanka cusub ee Galmudug, iyagoo kala magacaabay laba guddi oo iska horjeeda.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku sii jeedo magaalada Dhuusamareeb si uu dardar geliyo maamul usameynta Galmudug oo wejigii ugu danbeeyay gashay, iyadoo ay Ahlu suna ka hor timid qorshaha Xukuumadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON