Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Dowladda itoobiya, iyadoo dalka laga ceyriyay safiirkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho.
Go’aanka maanta kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada ayaa lagu amray safiirka dowladda Itoobiya ee Somaliya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka isaga baxo, iyadoo loo celinayo dalkiisa, waxayna Soomaaliya u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Addis ababa.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muddo toddobaad ah lagu xirayo Qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Magaalooyinka Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyo Hargeysa maamulka Somaliland.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland, isla markaana ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay maamulka Puntland.
Go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu soo baxo dhowaan, iyadoo aan ilaa xilligan go’aanka la gaarsiin safiirka Itoobiya ee Muqdisho.