Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn soo saaray amar ku saabsan in Meydadka ku aasan laga saaro Qabuuraha Dugsiga Booliska Magaalada Muqdisho oo ah dhul muhiim oo ku teedsan Xeebta Muqdisho.
Ku dhawaaqista arrintan ayaa loo abaabulay madaxda mamaulka Gobolka Banaadir, Taliska Booliska, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Culimada taageersan dowladda Federaalka oo saxaafadda kula hadlay Qabuuraha.
Dhulka Qabuuraha oo Booliska lahaa ayuu sheegay wasiirka gaashaandhigga Maxamed Nuur Jaamac in dowladu u baahatay oo laga dhigayo saldhig ciidamada Badda leeyihiin, waxaana dadka leh meydadka loogu baaqay inay la baxaan in muddo 10 maalmood ah.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa isna sheegay inay fududeyn doonaan sidii meydadka loola bixi lahaa, balse haddii dadkooda la waayo qaar ka mida ay iyagu dib u aasi doonaan, waxaana arrintan taageeray culimada qaarkood oo goobta loo geeyay inay arrintan taageeraan.
Waxaa hore u soo baxay in dhulka iskuul Bolisiya ee Qabuuraha la degaameyn doono, waxaana soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan cidda lagu wareejiyay, balse ugu danbeyn maanta ayaa lagu dhawaaqay.