War kasoo baxay Dowladda Federaalka Somaliya ayaa ah sheegay in ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay duqeyn ka fuliyeen Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari, degaanada Puntland.
Duqeynta ayaa lagu dilay 20 xubnood oo Alshabaab oo ay ku jiraan saddex horjooge, laguna dhaawacay tiro kale hawlgalka ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka.
“Hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka.
Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa xumaaday kadib khilaafka Madaxweynaha Somaliya iyo Siciid Deni markii Puntland ku dhawaaqay inay xiriirka u hartay dowladda Somaliya Janaayo 2023.