Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciay mowqifkeeda ku saabsan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo Dagaal maalintii labaad uu ku dhex marayo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada degaankaasi.
Go’aanka dowladda Federaalka oo ah kii ugu horeeyay ee si toos ah u quseeya Arrinta degaanada SSC ee ay maamusho Somaliland ayaa qodobka ugu weyn ee ku saabsan aaya ka talinta dadka degaankaasi iyo go’aanadii ay soo saareen wuxuu ahaa sidatan:
“Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da Dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan Dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada Dadka reer Laascaanood”
Go’aankan waxaa akhriyay Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, waxaana laga dheehan karaa in xukuumadda Soomaaliya ay tixgelin siisay rabitaanka Dadka degaanka oo caddeeyay inaysan ka mid ahayn Somaliland, ayna hoostagaan Dowladda Federaalka.
Ma cadda go’aanka dhabta ah ee dowladda Federaalka inay si buuxda u aqoonsaneyso maamulka Khaatumo ee dadka degaanada SSC iyo go’aankan uu yahay mid ay isaga difaaceyso eedaha badan ee loo jeediyay, balse waxaa muuqata inay ku qasbanaatay inay taageero rabitaanka dadka degaanka.
Xaqiiqada go’aanka dowladda ee arrinta Laascaanood waxay soo bixi doontaa maalmaha soo socda, taasoo hadba ku xirnaan doonta tallaabada ay qaado iyo sida ay u wajahdo xaaladda Laascaanood.
