Wednesday, February 19, 2025

Dowladda Somaliya iyo Alshabaab oo beeniyay War kasoo yeeray Wasiir ku xigeenka G/dhigga

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa si isku mida u beeniyay inuu jiro wadahadal u dhaxeeya ama u bilowday labaa dhinac, kadib war kasoo yeeray, wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka.

Wasiir ku xigeenka Xildhibaan C/fataax Qaasim Maxamuud auaa hslay sheegay in kooxda Alshabaab ay xilligan dalbatay wadahadal ay la gasho dowladda, balse La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa beeniyay warkaasi.

“Ma jirto wax codsi ah oo naga soo gaaray kooxda Alsahbaab” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali , halka Wasiirkuna uu isbedelay isagoo sheegay in si khaldan loo soo xigtay hadalkiisa.

Ad

La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha ayaa caddeeyay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Al-Shabaab uusan waxba iska bedelin. “Siyaasaddeenna ku aaddan wada-hadallada aan la leenahay Alshabab waa sidii hore,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay Baraha bulshada.

“Kama xaajoonno iyaga koox ahaan. Si kastaba ha ahaatee, shaqsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxa loo mari doonaa nidaam dhamaystiran oo ay xaq ugu yeeshaan cafiska dawladda si rasmi ah,” ayuu raaciyay Xuseen Sheekh.

Dhinaca kale Alshabaab si degdega u beenisay inay jiraan wax wadahadal ah oo ay la galayaan dowladda Soomaaliya. Sida lagu qoray Warbaahinta taageerta Alshabaab hadalka kasoo yeeray wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ayey ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

- Advertisement -

“Waxaan xaqiijinayaa inaysan jirin wax wada hadal ah oo na dhexmari kara,” ayuu sarkaal ka tirsan Alsjabaab Warbaahinta Alshabaab, sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Xafiiska warbaahinta ee Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON