Dowladda Somalia ayaa xayiraad cusub kusoo rogtay diyaaradaha ka imaanaya dalka Kenya ee doonaya inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana amarkan cusub ayaa si toos ah ugu socda saraakiisha dowaldda Kenya ee doneysa inay ka qeyb galaan caleemo saaraka Axmed Madoobe.
Qoraal ka soo baxay Hoggaanka socdaalka Soomaaliya oo loo kala diray shirkaddaha diyaaradaha iyo waaxda socdaalka dalka Kenya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha ka imaanaya Kenya inay toos uga degaan magaalada Kismaayo, iyagoo lagu armay inay maraan garoonka Muqdisho.
Waa amarki labaad ee dowladda Somalia kasoo baxa iyadoo hore ay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya loo gudbiyay hay’adda duulimaadyada rayidka Q/Midoonay ee ICAO kadib diyaarad ka timid Nairobi markii ay ka degtay magaalada Kismaayo.
Amarka labaad ayaa la sheegay inay dowladda Somalia ay ugu talogashay inuu caddeyn u noqdo dacwadii hore haddii ay dhacdo inay jebiso dowladda Kenya mar kale.